Ciidamada Itoobiya oo la wareegay magaalo istaraatijiya oo ku taal gobolka Tigray.

Monday September 28, 2026 - 16:33:01
MeMO Staff
Ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaad taageersan dowladda ayaa sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed oo ay soo xigatay Reuters, waxay gudaha u galeen magaalada istiraatiijiga ah ee Alamata ee oo koonfur ka xigta caasimadda gobolka Tigray ee Makelle.
Muuqaal ay Tigrai Peace Force, oo taageerta dowladda, ku baahisay boggeeda Facebook ayaa muujinaya askar dhex-maraysa waddooyinka magaalada, iyagoo lulaya calamada Itoobiya. Balse Reuters waxay sheegtay inaysan si degdeg ah u xaqiijin karin muuqaalkaas.

Ilo diblomaasiyadeed oo laba ah ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladdu ay la wareegeen magaalada, halka il saddexaad ay sheegtay in ciidamada taageersan dowladdu ay gudaha u galeen magaalada, balse aan weli la xaqiijin inay si buuxda gacanta ugu hayaan.

Haddii si buuxda loo xaqiijiyo, qabsashada Alamata waxay guul weyn u noqonaysaa ciidamada federaalka, maadaama magaaladu ay tahay xarun muhiim u ah sahayda ciidamada, cuntada iyo shidaalka, isla markaana ay qiyaastii 120 km waqooyi uga beegan tahay Mekelle.

Geesta kale Jabhadda Fano ayaa sheegatay inay la wareegtay xero ciidan oo ku taalla buurta Izit ee magaalada Woldiya, gobolka Amxaarada, isla markaana ay dishay in ka badan 40 askari oo ka tirsanaa ciidamada federaalka Itoobiya.

Jabhadda TPLF laftarkeeda waxa la sheegay in horumar ay ka sameysay gobolka Canfarta, isla markaana saacadihii lasoo dhaafay ay la wareegtay gacan-ku-heynta magaalada Erebti isla markaana ay kusii jeeddo magaalada kale ee Afdera.

Hawl-galladan sida gaarka ah uga socda gobolka Canfarta ayaa lagu sheegay in la doonayo in lagu carqaladeeyo waddooyinka sahayda ee Itoobiya uga yimaada Jabuuti, oo ah marinka ugu weyn ee ganacsiga Itoobiya.

Madaxa is-maamulka Canfarta ugu magacaaban gobolka Canfarta ayaa maanta Al-Jaziira u sheegay in ciidamada Eretriya aya si toos ah ugu soo biireen dagaalka ka socda gobolka Canfarta, isla markaana ciidamadoodu aysan keligood awoodin inay iska difaacaan.

Dagaallada tan iyo Arbacadii la soo dhaafay ka socda Tigray iyo gobollada deriska la ah ee Amxaarada iyo Canfarta ayaa meesha ka saaray xasilloonida heshiiskii nabadeed ee 4 sano ka hor ee Pretoria, waxaana heshiiskaasi soo afjaray dagaal ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 600,000 oo qof.

Dib u soo noqoshada colaadda ayaa sii kordhinaysa xasillooni-darrada gobolka, oo horeyba u wajahaysay dagaallada culus ee ka socda waddanka Suudaan, khilaafaadka ku saabsan helitaanka Badda Cas iyo saameynta colaadaha Bariga Dhexe.

Related Items

Update cookies preferences